Tirada
Dadka Aqristay maqaalkan [
]
Xajku
waa rukniga SHANAAD ee ay diinta
Islaamku ku dhisan tahay, waana waajib Ilaahay faray
ummadda Islaamka ah qofkii awoodi kara ugu yaraan
hal mar oo keliye qofka cimrigiisa. Xajku waa qasdi
uu qofku u qasdiyo Baytul-xaraamka "Kacbada"
isagoo cibaadaysanaaya. Haddii aan ka warano waqtigii
la waajib yeelay xajka waxay ahayd sannadkii sagaalaad
ee Hijriyada Ilaahayna uu dadka faray inay xajiyaan
haddii ay awoodaan.
Intii
ka horeysay waqtigaa waxaa awood ku lahaa Maka mushrikiintii
Qureysheed, waqtigaana Nebiga (s.c.w.) iyo asxaabtu
ma aysan awoodin in ay si fiican u gutaan xajka.
Xajka
qofkii diida ama inkira waa gaal hadii aanu jaahil
ka ahayn arrinta xajka, tusaale ahaan haddii uu yahay
qof mar dhaw soo islaamay oo kale oo aan si fiican
u garanayn xukunka xajka qofkaas waa loo cudur daarayaa.
Dhinaca
fadligiisa hadii aynu fiirinnu aad bay uga waramayaan
nusuusta Quraanka iyo axaadiista Rasuulkaba, haddii
aynu soo qaadano xadiis saxiixaynka ku sugan oo uu
wariyay Abuu Hureyra waxaa uu yiri:" Rasuulka
(CSW) ayaa la weydiiyay camalka ugu fadli badan? "
Rasuulka (CSW) wuxuu yiri:" in Ilaahey iyo Rasuulkiisa
(CSW) oo la rumeeyo," ka bacdi waxaa la yiri:"
maxaa ku xiga?" wuxuu yiri:" Rasuulku (SCW)
Jihaad Ilaahay dartii loo galo", kabacdi waxaa
la yiri:" maxaa ku xiga?"." Wuxuuna
yiri:" Xaj lagu baarinimo falo ah"{aan lagu
dimbaabin}.
Waxaa
kaloo Rasuuku (CSW) yiri xadiis uu Abuu-Hureyra ka
warinayo in ay xujaayda iyo dadka cimrada gudanaayo
ay yihiin wafdi Ilaahay, oo ducadooda la ajiibo, haddii
ay Ilaah dambi dhaaf weydiistaana laga aqbalo oo loo
dambi dhaafo. sidoo kale wuxuu Rasuulku (CSW) ku tilmaamay
in xajka abaalmarintiisu tahay Janno.
Bilaha
xajku waa bisha Shawaal (Soonfur), Dulqacda (Sidataal)
iyo tobanka beri (maalmood) ee ugu horeysa bisha dulxaj
(Arrafo).
SHURUUDAHA
XAJJKA KU WAAJIBO
Waxuu
xajku ku waajibaa qofkii laga helo arrimaha soo socda.
1)
Inuu muslim yahay.
2) Inuu caqli qabo aanu waalneyn.
3) Inuu qaan gaar yahay.
4) Inuu xoryahay
5) iyo inuu awoodi karo (xoolo, jid, iyo jir ahaanba)
inuu xajka guto
Waxaa
kale oo in taas weheliya gabadha oo laga rabo inuu
maxram la socdo.
Meelaha
laga xirmanayo (xiranayo) Xajka
waxaa
jirta shan meelood oo laga xirmanayo Xajka waxeyna
kala yihiin.
-
Dul-xuleyfa
oo ay reer Madiina ka xarmadaan.
-
Jux-fa oo ay reer Shaam ka xarmadaan
-
Qarnul-manaasil oo ay reer Najad
ka xarmadaan
-
Yalam-lam oo ay reer Yamneed ka
xarmadaan, dadka Soomaaliya ka yimaadana halkan
ayey ka xarmadaan
-
iyo
Daatu-cirqi oo ay reer Ciraaq ka
xarmadaan.
Hadaba
waxaa Fiican inuu qofku ka xarmado xajka shantaa meelood
ee kor ku xusan maxaa yeelay Nabiga (CSW) ayaa Jideeyay.
Waxaa
jira saddex nooc oo qofka uu u gudan karo xajka.
-
Tamatuc
oo ah inuu qofku xarmado Cumrada bilaha xajka dhexdooda
kadibna ka firaaqooda (ka baxo) cumradii oo uu xarmado
xajkii.
-
Qiraan (xiriirin) oo ah inuu is
raaciyo cimrada iyo xajka labadooda oo hal mar wada
xarmado.
-
Ifraad (keliyeelid) oo ah inuu
qofka xarmado xajka oo kaliya.
Culimada
Islaamka badidoodu waxay qabaan inuu qofku dooran karo
kii uu rabo sedaxdaasi nooc, waxaa la isku khilaafay
kan ugu fadli badan saddexda nooc waxaase la door biday
Tamatuca kaasi oo Nabigu (CSW) ku booriyay
asxaabtiisa isaguna sameeyay.
-
In
uu qubeysto (mayrto) is cadriyo.
-
In
uu xirto dhar cadcad, gabadhuna ay xirato wixii
ay rabto laakiin shardi waxaa ah ineysan is qurqurxinin.
-
Inuu
tukado salaadii faralka ahayd haddii ay tahay waqtigeedi
si uu markaas ka bacdi u xarmado haddii aanan jirin
salaad farad ahi waxuu tukanayaa labo rakco oo sunna
ah ka bacdi wuxuu la imaanaya talbiyadii xajka (labbeykallaahumma
labbeyk, labbeyka laa shariika laka labbeyk.).
-
Ka bacdi wuxuu u baxayaa Minaa wuxuuna ku tukanayaa
duhur, casar, maqrib , cishe iyo subax wuxuuna qasrinayaa
(gaabinayaa) salaadaha kuwa la qasrin karo (Duhurka,
Casarka iyo Cishaha) isaga oo jamcinaaya (kulminaya).
-
Ka bacdi wuxuu istaagayaa Carafa waana maalinta
sagaalaad ee Bisha Dul-xaj. Waa rukni muhiim ah
istaagidda la istaago Carafo ducada la duceystaana
aad bay u kheyr badan tahay qofka aana xaajiga aheyn
waxaa sunna ah inuu soomo.
-
In
lugu baryo Musdalifa marka laga yimaado Carafa waana
qorax dhaca ka bacdi wuxuuna ku tukanayaa maqrib
iyo cishaa. Marka uu tukado salaada subax ka bacdi
wuxuu u baxayaa Mash-caril Xaraam
-
Ka
bacdi waxaa la aadayaa Minaa waxaana la tuuraya
Jamratul-caqaba todaba goor ka bacdina waxaa la
qalayaa neefkii hadyiga ahaa. Intaa ka kabacdi waxaa
la xiirayaa ama la gaabinayaa timaha. intaa kabacdi
wuxuu dawaafayaa Kacbada waana dawaaful ifaada.
kabacdi sacyigii (orodkii) ayuu la imaanayaa haddii
aanu hore u sameyn intaa ka bacdi waxaa xaajigii
u xalaaloobaya wixii ka xaaraam ahaa oo dhan ka
bacdi xaajigu wuxuu sii joogayaa maalmaha ayaamu-Tashriiqa
(maalmamaha 11, 12, iyo 13aad). Minaa, wuxuu tuurayaa
sadex tuurimaad oo mid kastaaba tahay toddoba tuuryo
oo isku xiga isaga oo qofku takbiiranayo tuuryo
kasta oo uu tuuro. Ugu dambeyna qofku ama xaajigu
wuxuu sameynayaa Dawaaful-widaac. Ka dibna wuxuu
soo siyaaranayaa Qabriga Rasuulka (CSW)
Siyaarada
iyo Xunkeeda:
Siyaarada
Qabriga Nabiga N.N.K.H waa arrin muhiim ah waana sunno
mu'akad ah oo ay isku waafaqsan yihiin culimada Islaamka,
waxaana soo naqliyay Ijmaacaas culimada ay ka midka
yihiin Imaamka la yiraahdo Qaadiciaad
wuxuuna ku qoray kitaabkiisa la yiraahdo "A-shifaa
bitacriif Xuquuqil- Musdafaa", Imaam
Al-Nawawi kitaabkiisa la yiraahdi "Iidaax
Fii manaasikil-xaj", Ibnul Xajar
Casqalaani kitaabkiisa la yiraahdo "Fatxul-baari"
iyo Showkaani kitaabkiisa la yiraahdo
"Naylul-awdaar".
Haddaba
xaajiyow waxaa lagaa doonayaa marka uu xajku kuu dhamaado
in aad aado magaalada madiina si aad u soo ziyaarato
qabriga Nabiga N.N.K.H. siyaartaas oo sida aan hore
u soo sheegay ah sunno mu'akad ah.
Sidoo
kale waxaa sunno ah in aad siyaarto masjidka Rasuulka
"S.C.W" waxaase la doonayaa in uu qasdigaagu
ahaado siyaarta Qabriga Nabiga "N.N.K.H"
ama aad jamcido oo aad wada niyaysato.
Dadka
qaar ayaa yiraahda waxaa loo qasdaa masjidka, arrintaasi
sax ma ahan laba sababood dartood: mida hore waxaa
weeye: Ruuxa jooga makka waxaa u sahlan in uu ku dukado
xaramka oo salaadaas ajarkeeda uu u noqonayo 100.000
dicfi "Waxay la mid noqonee isagoo 100.000 oo
salaadood ku dukaday masaajida kale oo aan aheyn labada
masaajid ee Madiina iyo Baytul-Maqdas" marka
intuu halkaas ka soo tago oo uu soo aado masjidka
madiina oo loo laalaabayo salaadii uu ku tukado kaliya
1000 jeer qofkaas wxuuu lumiyay 99000 oo laalaab haddii
qasdigiisu yahay Masjidka.
Arrinta
kale waxa ay tahay: masjidka Rasuulku N.N.K.H wuxuu
ka mid yahay waxyaalaha Rasuulka lasiiyay maxaa yeelay
Masjidku waxa uu ku sharafoobay Rasuulka "SCW"marka
in la yiraahdo ziyaarta Masjidkiisa hala niyaysto
ee yaan la niyaysanin siyaarta Nabiga, Hadalkaas waa
mid aad u qaldan.
Waxyaabaha
qofka xajinaya ka xaaraam ah:
Haddii
aynu soo qaadano waxyaabaha qofka xaajiga ah ka xaaraan
ah inta xajka lagu gudo jiro waxaa ka mid ah.
-
Inuu qofka la yimaado jimaac ama galmo.
-
Inuu
jaro cidiyaha.
-
Inuu isticmaalo udug marka uu xarmado ka bacdi .
-
Inuu xirto galofis (gacma-gashi).
-
Inuu jaro timaha inta Xajka lagu gudo jiro.
-
In la suubiyo caqdi ~ guur.
-
In la dilo xayawaanka xaramka ama la ugaarsado
TALOOYIN
GUUD
Walaalkeyga
Xaajiga ah waxaan kula talin lahaa talooyin la xiriira
caafimaadkiisa waxaana ka mid ah.
1)
inuu xaajiga cabo biyaha nadiifka ah
2) inuusan cunin khudrad aanu iska dhaqin
3) inta aanad cutada cunin ku dhaq gacmahaaga biyo
iyo saabuun .
4) iska jir is gediska hawada kuleylka badan iyo qabowga
badan, is kana ilaali waqti badan inaad hoos fadhido
qorrax kulul.
5) kadhowr ama ka ilaali cuntada Duqsiga, daboolna
cuntada
6) haddii ay suurta gal tahay qaado talaalo ka hortag
ah.
7) markaad is ka dareento wax dhibaato ah la xiriir
meelaha caafimaadka kuugu dhaw.
8) sii qayb nasasho ah jirkaaga; seexo waqti kugu
filan maxaa yeelay soo jeedka badani waxuu keenayaa
dhibaatooyin kala duwan.
9) dhinaca cuntada ha badsan hilibka waqtiga carrafo
la taagan yahay waxaad istimaashaa khudaar (khudrad).
10) dharka aad xiraneyso waa inuu khafiif ahaado oo
aanu Layloon ahaan si dhididka uu u nuugo oo xaraaradda
jirku hoos ugu dhacdo.
Dhinaca
safarka waxaan Xujaayda kula talinayaa
1)
inay qaataan tikit safar oo go and back ah.
2) in baasaboorka waqtigiisu fiican yahay oo aanu
dhicin.
3) inuu qofka sii qaato Kitaab Qura’an ah oo
uu aqristo.
Waxaan
u rajeynayaa dadka muslimiinta ah ee sanadkaan Xajka
gudanaya camal suuban iyo soo laabasho nabad qabta
Ilaaheyna waxaan ka baryayaa sanadkan kiisa kale in
Ilaahay nagu gaarsiiyo caafimaad qab, cibaado suuban
Aamiin. Allahayoo Aamiin.
Waxaa
kale oo aan Ilaahay ka baryayaa inuu umadda Soomaaliyeed
ka saaro dhibaatada haysata uguna bedelo nabad , is
jeceyl, iyo is aamin walaaltinimo.
Aaamiin
Allahayoo Aamiin. Idinkuna aamiin ila dhaha.
Wabillaahi
Towfiiq
Waxaa
diyaariyay
C/raxmaan
Sh. Ciise Axmed "Kumi Yare"
Wixii talo iyo tusaale ah Fadlan noogu soo hagaaji
kumiyare@hotmail.com
|