Main Menu
Fadliga
 
 
 
Duco Waalid
Qiso ku saabsan wiil hooyadii ubaari noqday dabadedna ay u duceysay "Halkan ka akhri"
Alla ka cabsi
 
 
 


AADAABTA SALAADDA CIIDA
HORUDHAC Tirada dadka aqristay maqaalkan
Waxaa la wada ogsoon yahay ummad walba waxay leedahay ciido u gaar ah iyo meelo gaar oo ay weyneeyaan. Annagu haddaan Muslimiin nahay waaxaan leenahay labo ciidood oo kaliya. Kuwaasoo kala ah 1. Ciidda Soonfur 2. Ciidda Carafo. Waxaa kaloo jira ciidda todobaadka oo ah malinta Jimcaha. Anas Ibnu Maalik Allah ha ka raali noqdee wuxuu yiri: "Markii Nabigu Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahatee Madina u soo hijrooday waxaa jiray, labo maalmood oo la xurmayn jiray kuwaasoo ahaa labo maalmood oo jaahiligii si fiican loo cayaari jiray. Nabiga Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahaatee marku ogaaday labadaas malmood inay ciyaari jireen oo farxii jireen, wuxuu u shegay in Allah ugu baddalalay labo maalmood oo ka khayr badan oo kala ah: Ciidul-Fitri iyo Ciidul -Adxaa.

ADAABTA SALAADDA CIIDA
"Nabigu Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahaatee weligiis kama tegin Salaadda Ciidda, wuxuu amray dadka inay Salaadda u baxaan. Wuxuu Nabigu Nabad galyo iyo Naxaarisi dushiisa ha ahaate amray in haweenka guryaha laga soo saaro xataa kuwa caadada qaba iyo in kuwa maqabiyooyinka ahba si ay khayrka iyo weyneynta Ciidda ula wadaagaan dadka kale. Haddii aan u soo noqono aadaabtii Ciidda waxaa ka mid ah :

1. ISDAAHIRIN
Isdaahirintu waa in subaxa Ciidda la qubaysto lana xirto dharka markaa la haysto kan ugu wanaagsan, la isna carfiyo gaar ahaan Ragga, maxaa yeelay Haweenka Muslimiinta ah waa ka xaaraan inay is carfiyaan markay Ciidda ama Masjika ama dibadaha ay aadayaan. Arrinkaas Haween badan ayaa ku gabood falay, oo waxaad moodaa in la yiri quruxdiina muujiya maalinta Ciidda. Marka Haweenku Allah ha ka baqaan oo ha ilaaliyaan xuduudda Alle.

. 2. Adaabta Cuntada
Waxaa sunna ah in salaadda Ciidda Carafo inaan wax la cunin salaadda ka hor, laakiin ciidda soonfureed (fitriga) waxaa sunna ah in lagu af bilowdo xabado timir ah oo tiro is dheer ah (kisi).

3. Takbiirta
Takbiirta (Allahu Akbarta) waa in lagu dhawaaqo korna loo qaado inta ciidda loo socdo. Waxaa dad badani caado ka dhigteen inay sheekaystaan inta Ciidda loo socdo, waxaan idiin dardaarmayaa in arrintaa laga waantoobo. Salaadda Ciidda waa labo rakcadood , mana laha wax sunno ah oo ka horreeya ama ka dambeeya. Sidoo kale malaha Aadaan iyo Aqim. Sida lawada ogsoon yahay salaadda Ciidda waa labo rakco, rakcadda koowaad toddobo jeer ayaa Allaahu Akbar la oronayaa, rakcadda labaadna shan jeer baa Allaahu Akbar la oronayaa..

Maxaa Cusub?
Tafsiir
Sh. Max'ud Aw Cabdulle Cariif

Siiro
Sh. Abuukar Xasan Maalin




 




© 2006 webmaster@shariica.com All Rights Reserved