Add

Salaadda waxay ka mid tahay guud ahaan marka laga hadlayo cibaadada kuwa ugu muhiimsan, wana marka laga eegayo aragtida islaamka. Waxaa salaadda lagu soo waajib yeelay samada ama cirka.... Read More
Xajku waa rukniga SHANAAD ee ay diinta Islaamku ku dhisan tahay, waana waajib Ilaahay faray ummadda Islaamka ah qofkii awoodi kara ugu yaraan hal mar oo keliye qofka cimrigiisa.... Read More
» Juzka 1.aad
»
Juzka 2.aad
» Juzka 3.aad
............. Listen More
Tartan Qur'aan Aqris ah oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo gabagabeynayay Tartan Qur'aan Aqris ah ayaa maanta ka dhacday Masjidka Mucallim Biyamaalow ee Magaalada Muqdisho.

Tartankan Qur'aan aqriska ah ayaa waxa uu soo bilaabmay 11-kii Ramadaan 1428 oo ku beegneyd 24-kii September 2007 waana tartan ay sanad waliba qabato Mu'asasada Mucallim Nuur ee Culuumta Qur'aanka Kariimka.

Tartankan waxaa ka qeybgalay sanadkan 114 arday oo isugu jira Gabdho iyo wiilal ka kala socday 90 ka mid ah Dugsiyada Qur'aanka kariimka ah ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Ardayga kaalinta 1.aad galay oo lagu magacaabo Cali Cilmi Faarax ayaa lagu abaalmariyay Lacag gaareysa 1000$ (hal kun oo Dollar-ka Mareykanka ah), Kitaab Musxaf ah iyo shahaado aad u qurux badan.
Xafladdan lagu xiray Musaabaqa Qur'aanka Kariimka ah laguna abaal marinayay ardaydii kaalimaha hore galay ayaa waxaa ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan oo aad u fara badnaa oo ay aad uga dhexmuuqdeen Mashaa'ikhda ugu caansan Ahlu-sunnah wal jamaaca ee jooga Magaalada Muqdisho sida aad ku arki doontid sawirada hoose.

Musaabaqadii Qur'aanka Kariimka aheyd ee Sanadkii Hore Mu'asadu qabatay oo tifaftiran halkan ka daawo si aad u ogaato ardaydii kaalimaha hore galay iyo wixii lagu abaalmariyay iyo dhamaan qaabakii loo agaasimay.

 

© 2007 shariica.com All Rights Reserved