Xaflad
si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu furayay Tartan
Qur'aan Aqris ah ayaa maanta ka dhacday Masjidka Mucallim
Biyamaalow ee Magaalada Muqdisho.
Tartankan Qur'aan aqriska ah oo ay ka qeybgalayaan sanadkan
arday tiradoodu gaareyso ilaa 114 arday oo isugu jira Gabdho
iyo wiilal ayaa waxaa sanad waliba qabata Muasasada Mucallim
nuur ee Culuumta Qur'aanka kariimka ah.
Xafladdan lagu furayay Musaabaqa Qur'aanka Kariimka ah ayaa
waxaa ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan oo aad u
fara badnaa oo ay aad uga dhexmuuqdeen Mashaa'ikhda ugu
caansan Ahlu-sunnah wal jamaaca ee jooga Magaalada Muqdisho
sida aad ku arki doontid sawirada hoose.
Waxaan maalin waliba idin soo gudbin doonaa inta uu socdo
tartanka Haddii Alle idmo qaabka uu dhacay Tartanka, tirada
ardayda ka qeybgashay, sawirada ardayda, Madrasooyinka ay
kala yimaadeen yo waliba codadkii ay ardaydu ku tartameen
oo dhameystiran Inshaa Allaah Sidii aan sanadkii hore idinkugu
soo gudbinay oo kale.
Musaabaqadii
Qur'aanka Kariimka aheyd ee Sanadkii Hore Mu'asadu qabatay
oo tifaftiran halkan ka daawo si aad u ogaato ardaydii kaalimaha
hore galay iyo wixii lagu abaalmariyay iyo dhamaan qaabakii
loo agaasimay.